War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Masaajid ku yaalla Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagu dhex toogtay mid ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Maamulka Puntland.

Rag ku hubeysanaa bastoolad ayaa la sheegay inay galay Masjidka Mubaarak oo ku yaalla Xaafada laanta Hawada ee Magalada Boosaaso, isagoo dhowr xabadood ku dhuftay Suldaan.


Bashiir Muuse Koonte oo ahaa NabadoonCaan ah ayaa la sheegaya in rasaastii lagu furay markii hore uu kasoo gaaray dhaawac culus oo uu ugu geeriyooday Isbitaalka National ee magaalada Boosaaso oo loola cararay.

 

Sidookale agagaarka Masjidka ayaa waxaa dilka ka dib ka dhacay qarax loo adeegsadsaday  bam gacmeed, inkastoo aan la sheegin khasaare naafeed oo ka dhashay Bamkaas.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa dilka kadib goobta gaaray, hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan ninkii ka dambeeyey dilkaas.