MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilaa 27 naxash ah oo duugnaa in ka badan 2,500 oo sano ayaa waxaa dib usoo saaray khuburro u dhashay Masar.

Waxaana naxashyadan lagu arkay goob taariikhii ah oo muqaddas ah ku taalla deegaanka Saqqara oo dhaca koonfurta magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Waxaana horraantii bishan la soo saaray 14 kamid ah naxashyadaas halka 14-ka kalena lagu raad joogay, sida ay sheegeen sarakaiisha Masaarida.

Waxay khuburadda ku tilmaameen in uu kamid yahay ‘waxyaabihii ugu weynaa ee taariikhiga ah ee hal mar la helo’

Sawirrada ay baahiyeen waxay muujinayaan naxashyada oo lagu dahaaray waxyaabo dhal dhalaayo.

Deegaanka Saqqara waxaa muddo ka badan 3,000 sano ay aheyd goob qabuuro ah, waxaana aqoonsatay ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhaqanka ee Unesco.

“Daraasado hore waxay muujinayeen in guud ahaanba naxashyadan ay xirnaayeen oo aanan la furin tan iyo intii la duugay” waxaa sidaas yiri wasiirka dhaqanka iyo arrimaha aathaarta Masar.

Naxashyada lasoo saarayMid kamid ah naxashyada laga soo qufay deegaanka SaqqaraWaxay khuburradu kasoo saareen naxashyada dhulka hoostiisa ilaa 11 miitar