Muqdisho-Ayaamaha-Rag ku sugan galbeedka dalka Uganda ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin in ragga badan ee shaqada ka helaya dhismeyaasha shidaalka ay kala wareegaan xaasaska iyo gabdhaha ay la sheekaystaan, sida uu ku warramay wargeyska Daily Monitor.

Raggan ayaa shirkaddaha ka hawlgalaya deegaanka Hoima iyo Kikube ka dalbaday in ay xaqiijiyaan “in aysan carqalad galin nolosha qoysaska” inta ay socdaan dhismeyaasha dhuumaha shidaalka qaada ee cusub.

Waxaa la baahiyay warbixin lagu eegayay saamaynta rasmiga ah ee ka dhalan karta dhismaha dhuumahaas. Balse intii ay socotay dhagaysiga bulshada rag ayaa ku cawday in aan la qaadin tallaabooyin lagu baajinayo in shaqaalaha la keenayo ay dumiyaan qoysas dhisnan.

Harriet Businge Akiki oo horay ugu tartantay boos xildhibaan oo deegaanka Hoima ah ayaa wargeyska Daily Monitor u sheegtay in cabsida raggu ay tahay wax la fahmo karo.

“Waxaad arki shaqaale deegaanno kale ka imanaya oo qaadanaya mushaar ka badan midka dadka deegaanku ay qaataan,” ayay tiri waxayna intaas ku sii dartay “ragganaguna lama tartami karaan”.

Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo dhaqanka iyo qiyamka dadka deegaanka.