MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska dalka Nigeria ayaa sheegay in la xiray nin ka mid markii hal magaalo oo ku taala dalkaasi lagu kufsaday dumar gaaraya 40 muddo hal sano ah .

Hooyo ku nool magaalada waqooyiga ku taala ee lagu magacaabo Dangora ayaa ku qabtay nin qolka caruurteeda sida uu sheegay afhayeen u hadlay bileyska oo lagu magacaabo Abdullahi Haruna,waxaana intaas raaciyay in uu ninku cararay isla markaana ay derisku baacsadeen ayna ugu dambeyn qabteen.

Qabashada ninka ayaa dhacday Talaadadii.

Sida ay boolisku sheegeen falalka kufsiga ah waxaa ka mid ah weeraro loo gaystay haweeney 80 jir ah iyo carruur qarkood ka yar da’da 10 sano jirka.

Waxaa dhawaanahanba jiray kufsi iyo dil loo geysanayo dumarka ku nool dalka Nigeria, taas oo dhalisay buuq weyn, iyadoo kumanaan qofna ay saxiixeen dalab ah haashtaag #WeAreTired) waan daalney.

Dangora ayaa ah magaalo yar oo ku taala gobalka Kano isla markaana dhainaca koofur galbeed kaga began magaalada Kano,taasi oo la sheegayo in ay adagtahay in boolisku ay ka jawaabaan dhibaatooyinka ka dhaca sida uu sheegayo wariyaha BBC-da Mansuur Abubakar ee magaalada Kano.

BBC