Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu dhawaan ka baxsaday Nin Ajnabi ah oo dharbaaxay Gabar Soomaaliyeed.

Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee  Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqtarkan oo ka shaqeynayey isbitalka Masaarida ee magaalada Muqdisho ay damiinteen dad Soomaali ah, kadibna uu maalin cad ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Fowsiya Abiikar Nuur oo hadal ka jeedineysay Kulankii Golaha Shacabka ayay sheegtay in Ninkaasi markii Shaqaalaha isbitaalka loo diidey lacag ay lahaayeen la siiyo sidaasina uu ku dharbaaxey.

Wasaarada Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in Ninkaas la xirey markii uu dharbaaxey Gabadha Soomaaliyeed,hayeeshee damiin lagu siideeyey,sidaasina uu dalka uga baxsaday.

Wasiirada ayaa ugu dambeyn Golaha Shacabka ka codsatay inay ansixiyaan Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka oo ay ku jiraan qodobo xakameynaya sida dhaqaatiirta Caafimaadka Ajaanibta ah dalka uga howlgeli karaan.