Nin ka shekeynaya sida uu uga soo badbaaday nibiri liqay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin kalluumeysato ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday nibiri liqay xilli uu ku sugnaa xeebaha gobolka Massachusetts.

Ninkan oo lagu magacaabo Michael Packard ayaa sheegay inuu liqay nibiriga xilli uu badda quusay.

Ninkan ayaa la sheegay in 30 ilaa 40 ilbiriqsi uu ku dhex maqnaa caloosha nibiriga ka hor inta uusan soo tufin.

Michael Packard isaga oo jahwareersan ayuu banaanka yimid, inkasta uusan dhawaac culus soo gaarin, waxaa kala fagaday jlibka.

Nibiriga ayaa dheereerkiisu gaaray 50 ft, waxaana lagu qiyaasaa culeyskiisa 36 tan, sida laga soo xigtay ha’yadda caalamiga ah ee ka shaqeysa ilaalinta duur joogta.

Guud ahaan nibiriga ku nool dunida wuxuu gaarayaa 60,000.

Mr Packard oo 56 jir ah wuxuu warbaahinta Cape Cod Times u sheegay in subaxnimadii Jimcaha aheyd uu weerar kusoo qaday nibiriga xilli ay saarnaayeen dooni yar.

Kadib markii aan ka booday doonta oo aan quustay badda, waxaan dareemay wax culus oo isoo celiyay, waxaan galay mugdi” ayuu yiri kalluumeystaha oo u warramayay warbaahinta.

Wuxuu u maleeyay in uu soo weeraray libaax badeed, “Waxaan ogaaday in uusan i qaniinin’

Mr Packard wuxuu ka dhawaajiyay in nibiriga uu soo tufay isla markaana uu badda dul sabeeyay.

“Wuu isoo tufay, waxaan dul sabeynayay badda, waxaana noqday qof xor ah, mana rumeysneyn arrintaas”

Saaxibadiisa ayaa usoo gurmaday isaga oo dul sabeynayo badda xilli uu xirnaa qalabka ay xirtaan bad maaxiinta, waxayna soo saareen dooni.

Waaxda gurmadka deg deg ah ee magaalada Provincetown ayaa sheegtay in uu soo gaaray wicitaan ah in gurmad loo fidiyo nin kalluumeysto oo dhawaac ahaa oo ku sugnaa xeebaha.

Waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda ninkan kalluumeysatada ah ay wanaagsan tahay xilli laga soo saaray cisbitaal lagu daweynayay.