Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay maanta kudileen shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya Gaar ahaan degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Dilkan loo gaystay sarkaalka ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan, Xilli uu watay Gaari nooca raaxada ah,waxaana la sheegay in kooxda dilka geysatay  ay wateen mooto Bajaaj, kadib markii ay dilka fuliyeen ay qaateen gaariga uu watay marxuunka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Mursal,waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa  ku xigeenada  Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen askar ka tirsan Booliska Soomaaliya,waxaa ayna goobta ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii dilka fulisay.

Magaalada Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag ku hubeysan bistoolado.