MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin dhallnyaro Shiineys ah islamarkaana lagu magacaabo Li Shen (26-jir) ayaa waxaa lasoo daristay caafimaad-darro xilligii lagu jiray bandowgii cudurka coronavirux ee lagu soo rogay magaalada uu cudurkaasi ka bilowday ee Wuhan.

Muddadii bilooyinka aheyd oo uu bandowga saarnaa magaaladaasi islamarkaana aan dadka loo ogoleyn in ay guryohooda kasoo baxaan ayaa waxaa ninkani fuushay ama ku kordhay jirkiis culues 100 kiilo ka badan kaas oo geliyay taftiisa khatar weyn.

Li Shen oo nafta u yaabay ayaa maalin-maalmaha ka mid ah oo uusan seexan muddo labo maalmood ah waxa uu wacay hay`addaha gargaarka caafimaadka kuwaas oo uu u sheegay in ay kasoo gaaraan.

Dhakhaatiirtii ambalaasta ee usoo gurmatay oo labo ruux ahaa ayaa markii ay u yimaadeen waxa ay arkeen nin 279 kiilo ah, waxaa ah dalbadeen caawinaad 8 ruux oo kale si ay u saaraan ambalaasta.

Ninkan ayaa markii isbitaalka la geeyay waxaa la arkay wadnihiisa iyo neef-mareenada oo si saani ah u shaqeyneyn.

Ninkan oo horay u cayilnaa ayay dhakhaatiirtu sheegeen in uu qabo cudurro kale sida sonkor, dhiigkar iyo colostrol.

Si kastaba, ninkan ayaa la sheegay in qalliin laaga dhimayo culeyska la marsiin doono si loo bad-baadiyo.