Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa caawa xaafada Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley waxa ay ku qabteen nin hubeesan oo la sheegay in uu galay guri xaafadaasi kuyaala xili ay eryanayeen ciidamada .

Ninkankan oo ku hubeysnaa bambaano ayaa ku weeraray bar ay ciidamada amaanka kaga sugnaayeen meel aan ka fogeyn xaafada Cali Kamiin, waxaana ninkan ay eryadeen ciidamada uu galay guri dad shacab ah ku sugnaayeen.

Sida aan wararka ku helnay ninkan oo ku hubeesnaa biskoolad iyo bambooyin ayaa saacado badan ka dhax dagaalamayay guriga uu galay, waxaana ugu dambeyn ciidamada la sheegay in ninkaasi ay qabteen.

Howlgalka ninkan hubeesan ay ku qabteen ciidanada amaanka ayaa sidoo kale la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray ciidamada amaanka ee doonayay in ninkaasi hubeesan nolosha kusoo qabtaan.

Ciidamada Booliska ayaa maalmahan xoojiyay howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana howlgalkan lagu dilay ninka hubeesan caawa bogaadiyay saraakiisha laamaha amaanka.