Muqdisho-Ayaamaha-Waxaa maxkamad kasoo muuqday nin lagu eedeeyay inuu diyaarinayay falal argagixsanimo, oo ay ka mid tahay inuu weerar ku qaado xarun islaami ah.

Sam Imrie, oo 22 jir ah, waxaa sidoo kale la sheegay inuu marar badan baraha bulshada ku bogaadiyay “guulna ku tilmaamay falal argagixisannimo”, oo ay geysteen dad kale, waxaana ka mid ah Anders Brevik.

Dambiyadaas ayaa sida la sheegay waxay dhaceen intii u dhaxeysay bishii June ee 2018-kii ilaa bishii July ee 2019-ka.

Mr Imrie, ayaa maxkamadda sare ee Glasgow ku beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana la filayaa inuu dhageysiga dacwaddiisa usoo istaago bisha June ee sanadka 2020-ka.

Dacwad oogeyaasha ayaa sidoo kale ku eedeynaya ninkan inuu aad ugu qallafsanaa dadka Muslimiinta ah iyo kuwa Yuhuudda ah, uuna “dhiirrigalinayay falal qalalaase ah oo halis galinaya amnigooda”.

Heysasho hub

Sam Imrie wuxuu wajahayaa dacwad ku saabsan inuu baraha buslahada soo dhigay qoraal uu ku sheegayay “inuu damacsan yahay sidii uu muuqaal toos ah ugu baahin lahaa dhacdo”, taasoo ah “weerar uu ku qaadi doono xarunta Islaamiga ah ee Fife”, oo ku taalla magaalada Glenrothes.

Waxaa lasoo tabiyay inuu ninkan xaruntaas muddo ku hayay kormeer, isagoo “indha-indhaynaya” muuqaalna uga duubanayay telefoonkiisa gacanta.

Wuxuu sidoo kale marar badan isku dayay inuu gudaha u galo.

Waxyaabaha kale ee lagu eedeeyay waxaa ka mid ah inuu hub heystay, uuna hubkiisa ka kooban yahay walxo ay ka mid yihiin biro ay silsilad ku xiran tahay, burus, toorriyo iyo doorbinka lagu xirto qoryaha darandoorriga u dhaca.

Dacwadaha loo qoray ayaa muujinaya in 22 jirkan uu heystay waxyaabo liddi ku ah muslimiinta iyo Yuhuudda, sidoo kalena qalabkiisa ay ka mid yihiin waxyaabo laga dheehan karo taageerada naaziyiintii Jarmalka hoggaamin jiray.

Waxaa kale oo loo heystaa inuu dab qabadsiiyay Strathore Lodge, oo ah goob la seexdo oo ku taalla Fife, ka dibna uu internet-ka galiyay muuqaal uu ka duubay dhacdadaas.

Eedeyn kale oo loo jeediyay ayaa ah inuu heystay nuqul ka mid ah hal-ku-dhiggii “Baddalka aadka u wanaagsan”, kaasoo uu sameeyay Brenton Tarrant – oo ah ninkii 51-ka ruux ku dilay weerarkii ka dhacay masaajid ku yaalla New Zealand.

Wuxuu heystay hal-ku-dhig kale oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Anders Brevik.

Brevik ayaa hadda qaadanaya xukun 21 sano oo xabsi ah, kaasoo uu ku muteystay dilkii uu 77 ruux ugu geystay labo weerar oo uu Norway ka fuliyay sanadkii 2011-kii.

Dhammaan dacwadahan ayaa hoos tagaya sharciga la dagaallanka argagixisada.

Qareenka u doodaya ninkan ayaa maxkamadda u sheegay inuusan wax dambi ah lahayn, laakiin kiiskan ayaa sii socon doona dhowr bilood ka dib.