Wararka naga soo gaaraya Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maxkamada ku taala Degmadaas ay xukun dil ah ku fulisay Nin lagu eedeeyey in uu kufsi iyo dil u geystay Gabar yar.

Ninka lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa Xukun dil ah lagu fuliyey waxaa da’diisa lagu sheegay 32 Jir,waxaana maalma ka hor lagu xukumay dil toogasho,islamarkaana Maanta oo Talaado ah lagu fuliyey xukunka.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in ninkaasi falka kufsiga ah uu qirtay, iyadoonna Maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay.

Mudooyinkii Dambe Soomaaliya waxaa ku soo badanaya Kufsi iyo dil o loo geysto haweenka Soomaaliyeed, iyadoona ay xusid mudan in Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug qeybta Puntland lagu kufsaday, islamarkaana lagu dilay Gabar lagu Magacaab jiray Caaisho Ilyaas Aadan, iyadoona arintaasi ay dad badan ka caroodeen.