Nin lagu qasbay inuu garab seexdo meydka xaaskiisa oo magdhaw helay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin Kenyan ah oo bishii May ee sanadkii tagey lagu qasbay inuu habeen la seexdo xarun booliis naxashka meydka xaaskiisa, ayaa magdhaw ahaan loo siiyay ku dhawaad 15,000 oo dollar.

Charles Mwenda iyo dad ehelkiisa ah oo la socday ayaa falkaas lagula kacay, kadib markii lagu joojiyay deegaanka Meru iyagoo meydka ka keenay magaalada Malindi oo ay haweeneyda ku geeriyootay.

Garsoore Edward Muriithi, oo fadhiista maxkamadda sare ee Meru, ayaa sheegay in booliska ay ku xadgudbeen xuquuqda muwaadinkaas, iyagoo ula dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada, xilli uu wajahayay xaalad adag, uuna waday meydka xaaskiisa.

Mwenda iyo 31 qof oo la socday ayaa doonayay in xaaskii Faith Mwende oo u dhimatay cudurka Kansarka, ay ku aasaan deegaanka Meru.

Ninkaas iyo dadkii la socday waxaa loogu hanjabay in la galinayo karantiil qasab ah, iyaguna ay iska bixin doonaan qarashaadka goobaha lagu karantiilayo.

Markaas kadib Charles Mwenda ayaa dacwad ka dhan ah maamulka Meru u gudbiyay maxkamadda, isagoo ku eedeeyey in booliska ay ku xadgudubeen xuquuqdiisa iyagoo adeegsanaya awaamirta lagula dagaallamayo cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Mwenda ayaa laga soo xigtay inuu sheegay intii lagu guda jirey habeenkii uu xirnaa, inuu ka codsaday ciidanka booliska iney u oggolaadaan in naxashka meydka xaaskiisa uu geeyo magaalada Meru, oo markaa u jirtay wax ka yar 5 km.

Wuxuu intaa raaciyey in goobta uu habeenka la baryay meydka xilli uu da’yay roob mahigaan ah. Wuxuu keligii soo jiiday naxashkii uu ku jiray meydka xaaskiisa, isagoo hoos geeyey baabuur weyn, kaasoo dhex yaalley saldhigga booliska ee Kianjai.

Biyo ka dhashay daadka roobka ayaa habeenkaas galay naxashka meydka sida ay ku warrameen dad goob joog ahaa.

Kal hore, shacabka Kenya ee isticmaala baraha bulshada ayaa u ururiyey Mwenda lacag gaareysa US $7,000, si ninkani uu ugu masruufo qoyskiisa curdunka ah.

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka maxkamadda.

Source: BBC