MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Goob Fagaare ah waxaa ay ku dileen Nin ay sheegeen in uu ahaa Sixiroole, waxaa Fagaaraha lagu dilay Ninkaasi uu  kuyaallaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Maxkamad ay leeyihiin Shabaab oo ku taalla degaankaas ayaa xukunka dilka ah ridday iyadoo ay sheegeen in Ninka ay dilka u gaysteen uu sixiroole ahaa oo muddo sanada ah ku shaqeysanayay sixirka, waxana lagu magacaabaa Axmed Kuusane Xasan.

Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninkaasi uu sixray Haweeneey iyo Ninkeeda oo Aroos galay, sidoo kalena uu sixirka u adeegsan jiray kala geynta Ragga iyo Haweenka isqaba.

Axmed Kuusane Xasan ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay dambiga lagu soo oogay, waxaana lagu toogtay fagaaro ku yaalla degmada Jilib, iyada oo ay daawanayeen Boqolaal kamid ah dadka ku nool degmadaas.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay fagaarayaal ku yaalla degaannada ay maamulaan ku toogteen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageerada Ciidan siiya.