MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada London waxaa ka dhacday arrin ay warbaahinta caalamku hadal hayso kadib markii uu dibedbaxe madow ah uu bad-baadiyay nolosha nin cunsuricaddaan ah kaas oo ay dibedbaxa ay dhigayeen isaga soo horjeedeen.

Ninkan madowga ah oo lagu magacaabo Patrick Hutchinson ayaa geesinimo muujiyay kadib markii maalinimadii Sabtida ay barxadda Hyde Park ee magaalada London isku fara-saareen laba dhinac oo caddaan iyo madow kala matalayay kuwaas oo kala dhigayay dibedbaxyo iska soo horjeeday.

Ninkan caddaanka ah ee noloshiisa la bad-baadiyay ayaa dhulka ku dhacay xilli la ceyrsaday dibedbaxayaashii cunsuriyada caddaanka ah, waxaana uu gacanta u galay dibedbaxayaashiin madowga ahaa kuwaas oo doonayay in ay ku dur-diriyaan islamarkaana dilaan.

Balse Patrick Hutchinson oo arrintaasi ka dhiidhiyay ayaa tunka saartay ninka cad, meel ammaan ahna geeyay.

Patrick Hutchinson oo warbaahinta ka wareysatay dhacdadan ayaa sheegay in uu fuliyay oo keliya xaqqii uu bini`aadamnimada, islamarkaana uu bad-baadiyay nolosha ruux bini`aadam ah, wuxuu doono ha aaminsanaadee.

Waxa uu Patrick Hutchinson intaasi raaciyay in ninka cad uu u geeyay boolis ka agdhawaa goobta dibedbaxa.

In ka badan 100 ruux ayaa lagu xiray dibedbaxaasi rabshadaha watay ee ka dhashay carada dilkii booliska magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka u geysteen ninka madow ee lagu magacaabo George Floyd.