BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan nin mindi watay ayaa geliyay labo haween oo dhaawacyo halis ah soo gaaray, mid kamid ah labadaas dumar ayaa u dhimatay dhaawac halis ah oo ay u dhiig baxday.

Xaafadda Kooshin oo kamid ah waa halka lagu weerarkaan uu ka dhacay, waxaana haweeneyda dhaawaca ah oo aad u dhiig baxday la dhigay Mid kamid ah Isbitaallada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Isbitaalka la geeyay labada Haween oo midi geeriyootay tan kalena dhaawaca soo gaaray laga daweyayo ayaa sheegay in dhowr meel oo u badan madaxa uu qofkaan Mindida ka geliyay dumarkaan.

“Dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray labada Gabdhood, mid ayaa u dhimatay dhiig bax sababay in ay galaan xaalad halis ah, howsha lagu badbaadinayo oo socoto ayay geeriyootay mid kamid ah haweenkaas, AUN ayaan leeyahay, Maskaxda ayaa soo daadatay” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka dumarkan la geeyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay la tacaalayaan gabadha kale oo iyana laga deyrinayo xaaladeeda caafimaad.

“Waxa aan la tacaaleenaa Haweeneyda dhaawaca ah oo dhiig lagu shubay, dhammaan howlaha aan qabano ayaan isugu geynay si loo badbaadiyo, Alle ayaan ugu baryeenaa in uu caafimaad siiyo, waxaana ku yaalla dhaawacyo dhowr ah oo ah meelaha Mindida laga geliyay.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey agaasimuhu.

Ilaa haatan laamaha ammaanka iyo maamulka Magaalada Baladweyne kama aysan hadlin dhacdadaan lagu dhaawaca iyo dhimashada ay ku noqdeen labada Gabdhood, waxaana baxsaday qofkii mindida geliyay sida Mustaqbal ay u sheegeen dadka Xaafadda Kooshin.