Ciidanka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir ku qabteen nin soo xertay dharka dumarka oo ku sugnaa Xaafadda Godey ee degmada Kaaraan.

Dadka degaanka ayaa Ciidamada ku wargeliyay ninkaan oo dhaxmarayay Xaafadda Godey sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka ee degmada.

Mas’uul u hadlay maamulka degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ninka la soo qabtay lagu wareejiyay Hey’adda dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee CID.

Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ninka la soo qabtay la aaminsan yahay inuu katirsan yahay Al-shabaab ama daacish sirdoona uu ahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay wajaheysay dhibaatooyin daran oo dhinaca amniga ah, Qaraxyada, dilalka iyo falal kale oo amniga wax dhimaya.