Tunis-(Ayaamaha)- Shirweynaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa waxaa uu si aqlabiyad ah ugu doortay hoggaanka ugu sarreeya Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ, Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Cumar Faaruuq ayaa helay 192 cod oo ka mid ah 216dii cod ee ay dhiibteen argada ka kala timid 187 dal oo caalamka dhan ayadoo uu ka guuleystay musharrixiin ka kala socday 17 dal.

Cumar Faaruuq oo ahaa musharraxa qaaradda Afrika, isla markaana tageero ka helayay ergada ka kala socotay Dalalka Carabta iyo Islaamka, ayaa sidoo kale waxaa taageero xooggan siinayay ergada ka socotay Dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Spain, Ruushka, Koofurta Afrika, India iyo Brazil.

Shirweynaha IFJ ayaa sidoo kale waxaa uu maanta guddoomiye u doortay Younes Mjahed oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Morocco. Younes ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee qaarada Afrika ka socda ee loo doortay guddoomiyenimada ururka suxufiyiinta adduunka tan iyo markii IFJ la aas-aasay ee sanadkii 1926.