MUQDISHO-AYAAMAHA-Salaad Maxamed Kulmiye oo Ciyaal Isbartiibo eey u bixiyeen (Cimri Aake) waxa uu muddo 15 sano ah laga bilaabo 1992 ilaa 2007 uu gacanta ku haayay isla markaasna uu badbaadiyay dhamaan agabkii yaalay garoonka stadium Muqdisho.

Cimri Aake waxa uu ahaa adeege si mutadawacnimo ah ugu shaqeenaayay badbaadinta garoonka waxa uu ii sheegay in dhowr jeer tuugo eey kusoo weerareen garoonka kuwaas oo rabay in eey qaataan agabka garoonka yaalay.

Sidoo kale Salaad waxa uu ii sheegay in mar rag ganacsato ah eey u keeneen lacag dhan $51,000 eeyna ku dhaheen iskaga dhex bax garoonka uuna kadiiday waxa uuna ka doorbiday in shilimaad yar uusan siisa Hantida Qaranka .

Daraad ayeey ahayd markii Madaxweynaha JFS uu Daahfuray garoonka Stadium Muqdisho, balse waxaa muhiim ahayd shalay in lagu casumo dib u furitaanka garoonka Cimri Aake.

Aniga shaqsiyan waxaan bartay 2004 xilligaas oo aan anigoo aad u yar imaan jiray garoonka waxa uuna inta badan kala dhex geli jiray ciyaal towfiiq iyo ciyaal xamar jadiid oo galab kasta isku weereyn jiray garoonka.

Madaxda ugu Sareysa dalka iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportska waa in eey dhiirogeliyaan Adeer Salaad Maxamed Kulmiye oo badbaadiyay inta badan agabkii yaalay garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho.

Waxaa Qoray: Mahad Cabdi Cali