Dhuusamareeb-Ayaamaha-Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhacay  dhegeysiga kiis dacwadeed ka dhan ah  Maxamed Cabdi C/Raxmaan  oo ku eedeysan in uu isku dayay in uu isku qarxiyo goob ay fadhiyeen hoggaanka ugu sarreeya Ahlu Sunna  Wal jamaaca oo ku taalla Magaalada Guriceel bartamihii sanadkan.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa waxaa lasoo taagay Cali Dhubad Nuure Siyaad oo lagu eedeeyay inuu ahaa shaqsigii Guriceel keenay Maxamuud Cabdi C/raxmaan.

Fahdiga Maxkameynta raggaas ayaa ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda CQS Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana Guddoomiyaha uu ku dhawaaqay in Go’aanka laba eedeeysame dib looga dhawaaqi doono.