New Zealand-(Ayaamaha)-Ninka u dhashay Dalka Australia oo lagu magacaabo Brenton Tarrant oo 50 qof Jimcihii ku dilay Dalka New Zealand ayaa ceyriyay qareenkii u doodayay.
Warbaahinta Dalka New Zealand ayaa sheegay in Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo ceyriyay qareenkii u doodayay Brenton Tarrant, uu go’aansaday in uu isaga is matalo si uu aragtidiisa xagjirnimada ah ugu baahiyo ka qeybgalayaasha Dacwaddiisa.

Xeer Ilaaliyaha guud ee New Zealand ayaa sheegay in Ninkan caddaannimada la weyn tahay ay Maxkamadda u qabatay Qareen lagu magacaabo Richard Peters, laakiin uu iska eryay.

Ninka ayaa ku doodaya in isaga is matalayo islamarkaana iska difaacayo eedaha loo heysto isaga oo aragtidiisa ku baahinaya Maxkamadda horteeda.