MUQDISHO-AYAAMAHA-Wiil dhalanyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in miisaankiisa badan awgiis Takoor kala kulmay qaar kamid ah Bulshada.

Cabdalla Maxamuud Kaahiye ayaa hada waxaa uu caan ka yahay baraha bulshada sida facebook-ga, Tiktok-ga iyo Youtube-ka.

Kahor inta uu kusoo biirin baraha bulshada waxaa uu bulshada kala kulmay takoorid, taas oo sababtay in keligiisa isla hadlo oo noloshiisa adkaato.

“Bulshada awalba culeys  ayey igu haysay inta badan lkn inta xumaatada bes ayaan arki jiray, dadka arkaan magaalada maraayo way kugu mashquulayaan kuwa wax kaa sheegaayo, qofkasta oo iga hor imaado waxbuu kaa sheegayaa” ayuu yiri Cabdalla.

Wiilkaan dhalanyarada ah ayaa ah waa aqoonyahan oo wax bartay waxaana uu haysaa degree-ga koowaad ee Jaamacada.

Waxaa uu dhowr jeer codsiyo geystay goobo shaqo balse waxaa uu kala kulmay takoor, waxaana uu sheegay in shaqada u doontay uu ku waayey miisaankiisa culus awgiis!.

“Qofkasta wuu ku fiirinayaa wuxuu ku leeyahay shaqadaan kama bixikartid, kadib ayaa waxaan iska noqoday dismooral” ayuu yiri Cabdalla oo la hadlaayeyey Telefeshanka Kalsan TV ee Magaalada Muqdisho.

Kadib waxaa uu go’aan saday inuu xirfad abuurto waana sababta uu ku soo galay aalada social media.