NISA oo labo garab u kala jabtay iyo wararkii u dambeeyey khilaafka Villa Somalia.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xog gaar ah oo aan helnay ayaa waxay tilmaameysaa in NISA u kala jabtay laba garab oo Fahad iyo Cabdullahi Dheere kala hogaamiyaan, waxaana garab walba ka danbeeya koox kale oo madaxtooyada ku jirta.

Korneel Cabdullahi-ga dabagalka NISA ayaa lahaa soo jeedinta in xilka laga qaado Kulane Jiis, waxaana Korneelka uu waayahan isfaham qoto dheer la leeyahay Ra’iisal wasaare Rooble oo xitaa la rumeysan yahay in ay ka wada shaqeynayaan sidii hal magaalo loogu soo koobi lahaa doorashada.

Balse Fahad Yaasiin ayaa aad uga xumaaday xil ka qaadista Saaxiibkiis Kulane, iyo tilaabooyinka uu qaadayo Cabdullahi Dheere, khilaafka ayaana laga dareemayaa xafiisyada hey’adda NISA, sida ay saraakiil ku xogwarameen.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa garabsanaya Korneelka NISA awoodda ku leh ee ku heybta ah madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana maanta arinta xil ka qaadista garab siyaasadeed kula ahaa xubno wasiiro ah iyo saraakiil kale oo booliska iyo hey’adda socdaalka ah.

Gudiga wasiirada ee ka soo shaqeeyay xal u raadinta gobolka Gedo ayaa talooyinka ay soo jeediyeen waxaa qeyb ka ahayd in isu socdaalka la furo, waxayna dareensanaayn saameynta Kulane ee hadda meesha laga saaray.

Khilaafka Jubbaland ee gobolka Gedo ayaa waxaa kale oo isha ku haya beesha caalamka, iyaga oo dhowrayay tilaabooyinka uu qaadayo Ra’iisal wasaare Rooble, waxaana sida muuqata ay garabyadu noqdeen kuwo awood adeegsanaya.

Garabka Rooble iyo Korneel Cabdullahi Dheere ayaa wax walba ka filan kara garabka Farmaajo iyo Fahad, inkasta oo la rumeysan yahay in labada taliye ee NISA hadda isku heysata kuna milmay siyaasadda aysan isku deg degi karin.

Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa wakiilkooda Soomaaliya ee Korneel Cabdalla ula socda si taako taako ah, go’aanada la qaadanayo ayaana saameyn gudaha iyo dibaddaba leh.