Muqdisho-Ayaamaha-Maamulka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka ee dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay rag badan oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ragga oo gaaraya ilaa iyo 8 Nin ay kasoo goosteen Al-shabaab, isla markaana ay isku soo dhiibeen Ciidanka maamulka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in 8-da Nin baaritaano dheer lagu sameeyay, iyagoona markii dambe la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada kasoo goosatay Al-shabaab.

Hoos ka daawo Sawirada.