MUQDISHO-AYAAMAHA-Jaylaani Baanaa Oo Ah Oday soomaaliyeed oo 33 sano meyd ku dhaqaayey isbiaal madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyey Waxyaabihii soo arkay waayo aragnimadiisa dhanka meyd dhaqista.

Jeylaani oo shaqada meyd dhaqista kusoo biixray 1987 ayaa ka sheekeeyey taariikh iyo sida magaalada Muqdisho ay dad farabadan uga dhinteen 30 kii sano ee wadanka burbursanaa.

Waxaa uu ka sheekeeyey burburkii iyo dagaalada soo maray wadanka iyo sida ay kala ahaayeen meydadka isagoo sheegay in meydadka qaar aan la dhaqi karin sababtoo ah meydka oo xubin xubin u kala go’o.

Meydadka aan dhammaantooda la dhaqin ee lakeenay isbitaal Madiina ayuu ku sheegay dadkii ku dhintay Allah u naxariistee Qarixii Soobe ee Muqdisho oo sheegay in dhammaan meydadka la dhaqi waayey sababtoo ah fara badnaanta meydka iyo go’go a jirka oo la dhaqi waayey.

Mar la weydiiyey inuu habeenkii ku qarwo meydadka uu maalintii dhaqay ayuu sheegay inuu waxba dareemin weligii, sababta oo uu sheegay inuu la qabsaday shaqada meyd dhaqista.