Afgooye-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegayaan in xalay Kooxo hubeysan  ay ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa Oday Dhaqameed Caan ahaa degmadaas.

Wararku waxaa ay sheegaan in kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka Odeyga ahaa,isagoona u geeriyooday dhowr xabadood oo looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Sidoo kale wararka  ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xasan Yuusuf Baani uu mar soo noqday Guddoomiyaha deegaanka Sagaalaad ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hooe.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta si deg deg ah ugu baxsaday Mooto nooca Soomaalida u taqaano laba lugaaleyda oo wateen,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye oo goobta ka qaaday Meydka.

Ciidamada amaanka degmada ayaa xalay Xalay howlgal ka fuliyey Deegaabka Sagaalaadka ee Degmadaas,kaasi oo lagu raadinayay ragii fuliyay dilka loo geystay Xasan Yuusuf,hayeeshee ma jirto cid loo soo qabtay falka.

Degmada Afgooye waxaa ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan ragg dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado,waxaana Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.