Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu maanta aadayaa Magaalada Baydhabo Ee xarunta u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida aan heleeyno warar ku saabsan bixitaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ilo muhiim ah waxay uxaqiijiyeen Warbaahinta Ayaamaha in Maxamed Mursal uu Baydhabo saacadaha soo socda u kicitimi doono sida aan xaqiijinay.

Arrinta Safarkiisa ayaa lagu sheegay ka qeyb galka Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub Ee Koonfur Galbeed 19 Bishii hore loo doortay C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) oo lagu qaban doono isla Magaalada Beydhabo.

Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhaceysa Berrito oo Arbaco ah waxaana Wafdiga Dawlada Udirtay Hogaaminaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Abdirahman.
Bil ka hor Magaalada Baydhabo ayaa doorashadii ka dhacday waxaa ka dhashay is jiid jiid siyaasadeed,iyadoo Sheekh Mukhtaar Rooboow laga reebay Shariif Xasana maalmo ka hor uu ka tegay Xilka kana tanaasulay inuu tartan galo culeys uu sheegay in la saaray awgeed Shariif Xasan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.