Wasiiradan katirsan xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda, waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday.

waxaa kalo la xaqiijiyay inuu lasocodo mid kamid ahaa wasiirradii hore Siilaanyo, hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro ah.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay waxaa laga hadal hayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya.