Maanta gelinkii ndambe ayaa Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari Puntland ayaa waxa ay xukun ku riday Sarkaal katirsan waaxda dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee degmada Carmo, kaas oo lagu eedeeyey in uu ku kacay musuq maasuq iyo adeegsasho warqado been abuur ah.

Sarkaalkaan lagu magacaabo Cawaale Maxamuud Sheekh ayaa Maanta la horkeenay Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari,waxaana Maxkamada ay ku xukuntay 4 Sano oo Xabsi ah iyo bixinta Ganaax lacageed oo gaaraya $500 (Shan Boqol Dollar).
Sidoo kale Maxkamada ayaa waxaa ay ku xukuntay Cawaale Maxamuud Sheekh oo ka tirsanaa waaxda dakhliga wasaaradda Maaliyadda Puntland ee degmada Carmo in uu bixiyo $2751 (labo kun todobo boqol konton iyo kow Doolar) oo maxkamaddu ku sheegtay, xatooyo xoola dadweyne oo uu lunsaday, isagoo adeegsanaya waraaqo been-abuur ah.

Waa Mas’uulkii ugu horeeyey ee eedeyn la xiriirta musuq maasuq loo xukumo tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland siciid Cabdullaahi Deni,waxaana Wasiirka Maaliyadda Puntland uu sheegay in ay hayaan mas’uuliyiin kale oo loo xirey eedeyn musuq maasuq.