Puntland oo aqbashay ka qeyb galka Shirkii uu iclaamiyey RW Rooble

GAROOWE-AYAAMAHA-Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

27-ka Bishaan oo beri ku beegan ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble iclaamiyay in shirka qabsoomo balse uu dib u dhac ku yimid sababo la xiriira Madaxweynaha Puntland oo dalbaday in dib loo dhigo muddo todobaad ah oo lagu dhammeynayo shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Qoraalkaan lagu aqbalay shirkii uu Golaha wadatashiga doorashooyinka isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf xoogan soo kala dhexgalay Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu shir kale iclaamiyay.