Garoowe-(Ayaamaha)-Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dib ugu laabtay degaanka Af Urur oo ay isaga soo baxeen dhowaan iyadoo halkaasi ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka Saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ,Gaashaanle dhexe; Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in ay Todobaaddo ka dib haatan iyaga ku sugan yihiin degaanka Af Urur.

Dagaallamayaasha Al-Shabaab, ayaa la sheegayaa in ay dib ugu laabteen fariimihii ay markii hore kasoo duuleen ee Buuraleyda Galgala.

Af Urur oo ayaa waxaa dhowr goor ooh hore ku dagaallamay Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland iyo Ururka Al-Shabaab.