GAROOWE-AYAAMAHA-Dowlad Goboleeeka Puntland ayaa  is hor istaag ku sameeyay bannaanbax la doonayay in laga dhigo magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Wararku waxaa ay sheegayaan in bannaanbaxa la doonayay in lagu taageero khudbaddii farmaajo uu ka hor jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana joojiyay bannaanbaxa ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Magaalada Boosaaso gaar ahaan kuwa Gobolka Bari weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha ay u joojiyeen banaanbaxaas,hayeeshee uu weli jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay kala fadhiga 7aad ee Baarlamanka soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay saameyn ballaaran oo ay ku kala qaybsameen dadka shacabka ah, iyadoo magaalada muqdisho ay ka dheceen Bannnanbaxyo ballaadhan