Puntland oo ka hadashay dhallinyaradii kasoo goosatay tababarka Eretrea

Wasiirka amniga maamulka Puntland , C/samad Maxamed Gallan ayaa shaaca ka qaaday inay ka maamul ahaan garab taagan yihiin xaquuqda ka maqan waalidiinta ay carruurtooda ku maqan yihiin dalka Eretrea iyo dhallinyarada halkaas ku go’doonsanba.

Cabdisamad Gallan oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhallinyaradii kasoo goosatay Eretrea ay kala doorransiinayaan ka mid ahaanshaha ciidamada Puntland iyo in ay ku noqonayaan degaannadii ay ka yimmaaddeen.

Wasiir Gallan ayaa intaa ku daray inay dhallinyarada la qaateen isla markaana ay ka jawaabi doonaan baaqooda ahaa in lasoo badbaadiyo saaxiibbadooda weli go’doonsan gudaha dalka Eretrea.

“Waxaa waajib ah in qof walba uu ka hadlo una istaago arrintan laguna qasbo DF inay soo celiyaan dhallinyaradaas, maxaa yeelay waa maxaabiis ku xiran dal iyo degaan aysan u dhalan’’ ayuu yiri wasiir Gallan.

Dhallinyaradan oo tiradooda lagu qiyaasay ku dhowaad Lix kun ayaa muddo Saddex sano ah ku maqan tababar daba dheeraaday oo sida la sheegay ah kii ugu ciqaabta kululaa, taasoo ay u dheeryihiin in qeybtood loo adeegsaday dagaalka ka socda Gobolka Tigree ee waqooyiga dalka Itoobiya halkaasoo ay qaar badan oo ka mid ihi ku geeriyoodeen.