MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarlamanka Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa maanta si adag uga doodday metelaadda gobolka Banaadir ee Aqalka-sare ee Baarlamanka Soomaaliya laga siiyey.

Qaar kamid ah mudanayaasha oo golaha ka dhex hadlay ayaa DFS, Madasha Xisbiyada, maamullada HirShabeelle, KGS iyo Galmudug ku eedeeyey in ay faquuqayaan Puntland iyo Jubbaland.

Warar kale oo laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaannada qaar ay soo jeediyeen in Puntland ka tashato Soomaaliya isla markaana ku dhawaaqdo madax-banaani, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Wararka ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxaa ay sheegayaan in Golaha Wakiilada Puntland iyo Xukuumadda Maamulkaas ay qaraar kasoo saari doonaan saarayo metelaadda gobolka Banaadir.

Xaalad adag ayaa laga yaabaa in Puntland wajahdo hadii ay ku dhawaaqdo madax banaani Jamhuuriyada Soomaaliya,iyadoo go’aan culus laga sugayo Xukuumada Siciid Dani hogaamiyo.