Puntland oo la wareegtay saldhig muhiim u ahaa Al shabaab.

GAROWE-AYAAMAHA-Wararka laga helayo Gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada difaaca maamul goboleedka Puntland iney la wareegeen saldhigyo ay Al shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada.

Taliska Ciidamada PMPF ee Puntland oo war ka soo saaray ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada lagula wareegay Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

“ Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF.

Taliska Ciidamada PMPF ma shaacin dagaal dhex-maray Ciidamada iyo Al-Shabaab, hayeeshee kaliya ay sheegeen inay saldhigaas kala wareegeenUrurka Al-Shabaab.

Ciidamada Difaaca Puntland howlgan ay ka  sameeyeen dhulka  Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyaan meelo kamid deegaanada Puntland.

Puntland ayaa horay u sheegtay iney sii laba jibaari doonto weerarada ay ku hayaan Al shabaab si looga sifeeyo deegaanada Buuraleyda ah oo ay ku sugan yihiin.