Boosaaso-Ayaamaha-Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Xasbi ku yaalla waxaa mar kale lagu xiray Siyaasi deegaanada Puntland Caan ka ah, kaasi oo lagu Magacaabo Muuse Cali Jaamac.

Garyaqaan Muuse Cali Jaamac ayaa duhurnimadii shalay waxaa Ciidamada ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso, kaddibna waxaa lagu xiray Xabsiga weyn, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland.

Sidoo kale Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay labo nabadoon oo kale, kuwaasoo ka mid ahaa nabadoonadii dhaliilay Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni.

Sababta loo xiray Siyaasiyiinta ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii ay dhaliil kulul u jeediyeen Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Odayaal iyo siyaasiyiinta ayaa Kulan jimcihii ay ku yeesheen magaalada Boosaaso waxayna eedeymo loogu soo jeediyay Maamulka Puntland, taasoo ah in shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso/

Horay ayaa Shirkadda DP waxaa ay u heysatay qandaraaska Dekeda Boosaaso ee ballaarinta iyo dhismaha dekeda, waxaana ay ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay ka laabato heshiiskaas oo ay ka baxdo, maadaama waqtigii loogu tala galay aanay shirkaddu ku fulin dhismaha Dekedaas.

Maalmo kahor ayay aheyd markii labda Nabadoon oo eedeeynu jeediyay Puntland lagu xiray Magaalada Boosaaso, sidoo kalena kasoo horjeestay heshiiska DP World iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso loogu dhiibay Shirkad laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta