GAROOWE–AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Puntland ay ka baaqsatay ka qeyb gelida Shirka wada-tashiga dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ee ka dhacayo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 24-kii Bishaan waxaa uu shir looga hadlayo xaalada Guud ee dalka waxaa uu ku casuumay Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,hayeeshee shirkaasi uu u muuqdo mid baaqday.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la sheegay in xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada uu ku wargeliyay in kulamo gaar ah yeeshaan oo ay uga doodayaan, sidii loo saari lahaa War-saxaafadeed ka dhan ah Arrimaha siyaasadda dowladda Federaalka.

In kastoo dhamaan Dowlad Goboleedyada aysan kasoo jawaabin Casuumada madaxweyne Farmaajo ee ah qabashada shirka inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa hadana waxaa soo kordhay xaalado keeni kara in uu shirkaasi baaqdo.

Dhawaan waxaa Shirka dhanka Internet-ka ee (Video Conference) ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada,waxaana intooda badan ay ku baaqeen in la joojiyo Xeerarka doorashada oo ay Baarlamaanka ka doodayeen,hayeeshee aysan dhicin.

27-kii Bishaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen in Gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 13 Xubnood,waxaana taasi weyn uga soo horjeestay Puntland iyo Jubbaland oo la aaminsan yahay inay yihiin laba maamul oo xulufo ah.