MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye k-xigeenka 2-aad ee Baarlamanka dowlad Goboleedka Puntland, Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Maanta ka hadlay Arrimo ku aadan Doorashooyinka dalka ka dhici sanadka soo socda ee 2021 iyo Arrimo.

Guddoomiye Ismaaciil Maxamed oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay waqtiga muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha uu ka harsan yahay muddo kooban, isla markaana aysan socon diyaar garoow ku aadan Doorashada dalka ka dhaceysa.

Waxaa uu sheegey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xil.Ismaaciil Maxamed in Puntland dooneyso in ay noqoto ‘dowlad’ ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, haddii buu yiri aan wax laga qaban xaaladaha taagan.

labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland kasoo baxayay hadalo xanaf ah, oo ay uga soo horjeedaan Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay Gobolka Banaadir ugu ansixiyeen in 13 Xubnood laga siiyo Aqalka Sare.