Muqdisho-Ayaamaha-Maamul Goboleedka Puntland ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanadda Cusub ee Maamulka Jubbaland oo maanta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubba hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, waxaana Puntland ay rajo wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan.

          Hoos ka Akhriso Qoraalka.