Garoowe-(Ayaamaha)- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa Maanta oo Sabti ah xukun toogasho ah ku ridday Shan dhalinyaro ah oo kusfi wadareed iyo dil ka geystay dhowaan Magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Xareed Faarax, oo ah ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland,ayaa sheegay in ay dhammaantood qirteen dembiga loo haysto, wuxuuna faray Taliyaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe in ay hayaan inta Kiiskooda laga soo gaba-gabeynayo.

Shantan Dhallinyarada ah oo 22-kii Feebaraayo ee Sanadkan kufsi wadareed iyo dil arxan darro ah isugu daray Allaha u naxariistee, Caa’isha Ilyaas Aaden, ayaa waxaa Afar ka mid ah laga soo qabtay Magaalada Qardho, halka midka kalena uu sugnaa isla Magaalada Gaalkacyo.

Dhallinyarada Maanta la xukumay oo kala ahaa, Cabdirisaaq Axmed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir ,Cabdirisaaq Cali Cabdi, da’diisu tahay 18 jir , Yuusuf Cabdillaahi Xersi, da’diisu tahay 18 jir, Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir iyo Cusmaan Maxamed Cabdillaahi, oo ay da’diisu tahay 18 jir, ayaa la rumeysan yahay in ay sidoo kale falkan la wadaageen Laba eedeeysane oo aan illaa iyo haatan la ogeyn halka ay jiraan.