Magaalada Garawe ee puntland ayaa maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada maamulkas, waxa ayna Xildhibaanadan ka doodayeen wax ka badal lagu sameenayay qaabka loo ansixin doono Wasiirada cusub oo dhowan lafilayo inuu soo magacaabayo Madaxweynahe Gaas.

Xildhibaanada kulanka kasoo qeyb galay ayaa gaaraya 53-Xildhibaan, waxaana Xildhibaanada dood kulul ka yeesheen wax ka badal lagu sameenayay qaabka loo ansixinayo Wasiirada cusub uu yeelanayo maamulka puntland.

Dooda kadib ayaa Xildhibaanada waxaa ay cod u qaaday wax ka badalka xeerkan waxaana 26 Xildhibaan u codeeyeen in golaha Wasiirada loo ansixiyo si guud waxaana ka aamusay 3 Xildhibaan oo kaliya halka 23-Xildhibaan ay diideen.

Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ugu dambeyn shaaciyay in Xildhibaanada u codeeyeen in golaha Wasiirada marka lasoo dhiso lana horkeeno hal mar codka kalsoonida ay u qaadaan.

Kahor ansaxinta maanta ayaa Baarlamaanka maamulka Puntland Wasiirada waxay ugu meel marin jireen hal hal , waxaana hada meesha ka baxaya in Baarlamaanka ay hal hal codka ugu qaadaan Wasiirada iyagoona hal mar wada diidi doona ama ay ansaxin doonaan.