Moqdisho-Ayaamaha-Vladimir Putin, madaxweynaha Ruushka ayaa aragtida dimoqoraadiyada iyo suuqyada xorta ah ee reer galbeedka in ay tahay mid uu gabalkeeda dhacay, waqtigeediina dhamaada.

Hadaladiisa ayaa waxa ay ku jireen waraysi dhinacyo badan oo uu siiyay majaladda Financial Times isaga oo shirka G20 kaga qeybgalaya dalka Japan.

Waxa uu sheegay in aragtiyada dimoqoraadiga ah ay ka hor imanayaan danaha dadka inta badan, isaga oo tusaale usoo qaatay hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel iyo siyaasadeedii ay Jarmalka ugu fasaxday dadka badan ee qaxootiga ah.

“Dadka muhaajiriinta ah cidda ay rabaan ayay dilayaan, kufsanayaan, gefaf waaweyn galayaan, mana jirto wax laga qaban karo, sababtoo ah waxaa la illaalinayaa xuquuqdooda” ayuu Putin oo arrintaas aad ula yaaban.

Putin ayaa dhanka kale amaanay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo uu ku tilmaamay nin karti badan, kaas oo garanaya sidii uu ugu adeegi lahaa codbixiyeyaasha.

Balse waxa uu sheegay in kaligii duulnimada Maraykanka ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka adduunka taagan.

Madaxweynaha Midoowga Yurub Donald Tusk ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalada Putin, kuna tilmaamay kuwa aan loo meel dayin.

Mr Tusk ayaa sheegay in waxa gabalkooda dhacay ay yihiin kaligiis talisnimada iyo ku xad gudubka xuquuqda aadanaha.

Xigasho: BBC Somalia.