Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamada amniga ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay u fashiliyeen qarax gaari Hoomey lagu soo raray oo la damacsanaa in la soo geliyo Muqdisho, kaasoo ay ciidanka kaga hortageen deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Gaariga ayaa ku qarxay hareerta laamniga mana jirin cid ku waxyeello ka soo gaartay, sida uu sheegay Taliyaha 12-ka Apriil ee Ciidanka Xooga Dalka Generaal Tawane Axmed Maxamed.

“Ciidamada oo helay xog ku aadan gaariga Qaraxa siday ayaa joojiyay, waxaana gaariga ka degay darawalkii waday oo ahaa qof keliya ee gaariga la socday wuxuuna ku cararay dhul hawd ah” ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale, Taliyaha hoggaanka howlaha Ciidamada Booliska Axmed Dayid Dhego-caleen ayaa Ciidmada Xoogga Dalka uga mahadceliyay Howlgalka ay uga hortageen gaarigaas ku qarxay degaanka Xaawa Cabdi sidoo kale waxa uu ku booriyay inay xaquiijiyaan amniga inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Ameriko oo la hadlayay Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay in si xooggan looga shaqeeyo  baraha koontaroolada.