Qaar ka mid ah dadkii qaadka ku cunijiray deegaannada Puntalnd oo joojiyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar ka mid ah dadkii qaadka ku cunijiray deegaannada Puntalnd ayaa joojiyay isticmaalkiisa kaddib markii ay waayeen qaadka Miiroowga oo ay hore u cuni jireen.

Waxa ay sheegeen in saddex arrimood ay arrintaas ku dhalisay, waa nooca qaadkii ay cuni jireen oo ay waayeen, cudurka Covid-19 iyo dayn aan dhammaad lahayn.

Sidaas oo ay tahayna weli dadka qaadka cuna ee ku sugan Puntland waxaa maalin walba ay iibsadaan qaadka Hareeriga ee la keeno waddanka Itoobiya.

Haddaba waxaa inoo suuragashay inaan la hadalno Axmed Maxamed oo muddo ku dhaw 40 sanadood cunayay qaadka Miroowga, haatanse iska dhaafay, sababta uu qaadka isaga dhaafay iyo waxa ka soo maray waayihiisa qaadka ayuu uga warramay Axmed Cawil Jaamac oo Garowe kula kulmay.

Qaadka hareeriga ee ka yimaada Itoobiya ayaa laga sheegay inuusan laheyn wax marqaan oo keliya layska cuno waxaana la sheegay in laga qaado cudur layirahda Godofiiriyo.