Qaar Ka Mid Ah Guddiyadii Doorashooyinka Lagu Muransanaa Oo Si Rasmi Ah liiska Laga Saaray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddigii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u saaray xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo mid dawlad goboleedba ayaa saacado ka hor shaaciyay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka ee heerarkoodu uu kala duwan yahay.

Arrintaasi ayuu guddigu sheegay inay ku timid kaddib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen xubnaha laga cabanayay oo markii hore gaarayay 67 qof.

Guddiga waxa uu intaas ku daray in go’aankaasi ay gaareen kaddib markii ay wadatashi ballaaran sameeyeen ayna dhinacwalba ka eegeen xubnaha eedda loo soo jeediyay.

Haddaba go’aanka guddiga waxaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku shaaciyay wasiir ku xigeenka warfaahinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala: “Maalmo dedaal dheer aan bixinay wadatashi balaaran aan sameynay isticmaalnay dhamaan aalladihii aan heli karnay suurtagalka nooga dhigi lahaa in aan kala oggaano cabashooyinkii la xiriiray guddiyada saddexda qaybood ah ee hirgalinta doorashada guddiga heer federal ee Fiit guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga heer mamaul goballeed ee Siit waxaa caawa noo suurta gashay in aan soo gabagabeyno kala saaristii iyo kala hubintii” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.”

Guddigaas xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee xaqiijinayay eedaha loo soo jeediyay qaar ka mid ah guddiyada doorashooyinka ee Soomaaliya ayaa markii uu natiijadiisa ku dhawaaqay kaddib waxa uu dhinacyadii soo magacaabay xubnaha ay ka saareen guddiyada ka codsadeen in muddo 48 saacadood gudahood ah ku soo magacaabaan xubnihii badalilahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.