Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen tobaneeyo ka mid ah Odayaashii soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,hayeeshee dhawaan tegay deegaannada Al-Shabaab lana kulmay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in iyaga oo fulinaya amar kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ay Xabsiga dhigeen dhowr iyo toban ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo markii ay la soo kulmeen Al-Shabaab dib ugu soo laabtay Gobolka Hiiraan.

Ergadaan ayaa waxaa loo heystaa iney dhawaan tegeen deegaanada Al-Shabaab, iyagoo fulinaya amar ka soo baxday kooxdaas oo loogu yeeray.

Howlgalkaan ka dhan ah Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya balse la kulmay Al-Shabaab kana bilaawday gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli shalay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay soo saartay awaamir ka dhan ah Odayaasha dhaqanka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ee tegay deegaannada ay joogaan Ururka Al-Shabaab.