Buuloburte-Ayaamaha-Qaar kamid ah Odayaasha Degamada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan waxaa waxaa loo taxaabay xabsiga, kuwaas oo kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee  ku sugan degmada Buulo Burde ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen Odayaasha Dhaqanka degmadaas.

Saddex kamid ah Odayaashan la xiray ayaa kasoo horjeestay Maamulka Cusub ee degmada Buulo Burde ay dhawaan u soo Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo kamid ah waxgaradka degmada Buulo Burde ayaa sheegay Madaxda Hir-Shabeelle  ay u sheegeen inaysan aqbaleyn Maamul ay si awood ah ku keenaan Madaxda Hir-Shabeelle.

Sababta keentay in Odayaashan la xiro ayaa lagu sheegay in Maamulka Hir-Shabeele ay uga baxeen taas oo aheyd in wax Maamul ah aan markale loo soo Magacaabi Karin degmada..

Xariga la sheegay in Ciidamada AMISOM ay u geysteen Odayaasha Dhaqanka degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay imaaneysaa xilli saakay degmadaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Cusub.