Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamo u badan kuwa xoogga Dalka ayaa Maanta xiray qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho , iyadoo isu socodka Dad weynaha iyo Gaadiidkuba uu hakad galay.

Ciidankan oo intooda badan ka yimid furimaha hore ee dagaalka ayaa in dhowaalaba ka cabanayay mushaar iyo Garaam la’aan soo wajahday, taas oo sababtay in ay dib ugu soo baxaan fariimahii ay ka difaacayeen Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Sarakiisha iyo xubno ka mid ah Ciidamada Qalabka sida ayaa muddooyinkii u dambeeyay cabashooyin kala duwan u marsiinayay madaxda Dowladda, iyagoo tabanaya in ay haystaan duruufo kala duwan, waxaanay ku hanjabeen in ay soo banneyn doonaan Jiidaha hore haddaanan xaqooga la siin.