Qaban qaabada shirka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo ka bilaabatay Muqdisho

Muqdisho-ayaamaha-Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray Wakiilo ka socda dowlad Goboleedyada, kuwaas oo  qaban qaabinaya shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir la filayo in 20-ka Bishaan yeeshaan, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa shirkooda waxaa uu kaga hadleen u diyar garoowga shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo uu iclmaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay inuu muqdisho ka socdo qaban qaabada shirka uu iclaamiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana  Gudiga qaban qaabada ee ka socda  Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen  Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Macalimuu

Shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa la filayaa in 20-ka Bisha May oo ku beegan Khamiista soo socota in uu ka furmo Magaalada Muqdisho si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka.