DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxda maamulka gobaleedyada oo maanta shir halkaasi uga furmayo.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb,iyada oo sidaas oo kalana lagu wado in saacadaha soo socda ay gaaraan madaxda kale ee maamulka gobaleedyada,sida Koonfur galbeed,Puntland iyo Jubbaland.

Dhinaca kalana waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb gaaray ciidamo gaar ah kuwaas oo ilaalo khaas ah u ah madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyada oo ciidamadaas la geeyay xarunta shirku ka dhacayo si ay u xaqiijiyaan amniga madaxweynaha Puntland.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u dalbaday in magaalada Dhuusamareeb laga saaro ciidamada Haramcad ee dowladda Soomaaliya iyada oo gelinkii dambe ee shalay ku dhawaad 200 oo ka mid ah ciidamadaas laga soo daad gureeyay magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaan ayaa qorshuhu yahay in uu furmo gelinka dambe ee maanta iyada oo ka horkulamo gaar gaara h ay qaadan doonaan madaxweynayaasha maamul gobaleedyada,iyada oo intiisa badan looga ahdli doono khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah dowlad gobaleedyada iyo madaxda dowladda,arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.