DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Ciidamada ammaanka Maamulka Galmudug ayaa Gobolka Galgaduud ku qabtay dhalooyin farabadan oo ah maandooriyaha qamriga, kuwaasi oo loo waday Magaalada Muqdisho.

Askarta ku sugan barta koontrol ee laga soo galo Magaalada Cadaado ee Galgaduud ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 124-dhalo qamri, lana doonayay inay loo qaado dhinaca Muqdisho.

Laamaha ammaanka Cadaado ayaa sheegay in sharciga la horgeeyn doono dadkii watay maandooriyahaaas qamriga ahaa, iyagoona sidoo kalena tilmaamay in qamriga la burburin doono.

5-tii bishaan September ayay aheyd markii Ciidamada ammaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigeen gaari leylo-calaawi ah oo ay saarneed boqolaal dhalo oo qamri ah, kaasi oo ka yimid dhanka Magaalada Caabudwaaq.